Maaliyadii Ugu Horeysay Uu Neymar U Xirto PSG Oo La Xaraashay & Lacagta Lagu Iibsaday Oo Layaab Leh

Fasal ciyaareedkii lasoo dhaafay ayey ahayd markii uu Neymar kusoo biiray koxoda reer France ee Paris Saint-Germain, waxaana uu ka yimid Barcelona.

Aduun lacageed dhan 222 Milyan oo Yuuroo ayaa Neymar looga soo duuliyay Gobolka gooni isku taaga ah ee Catalonia.

Lacagtaan waxay Neymar ka dhigtay ciyaaryahanka aduunka ugu qaalinsan, wuxuuna ka saro maray Gareth Bale oo 100 Milyan ku fadhiyay iyo magacyo kale.

Hadaba, kooxda PSG qeybteeda gargaarka ee loo yaqaan Paris Saint-Germain Foundation ayaa waxay Talaadii suu geysay maaliyadii ugu horeysay oo uu Neymar uxirto PSG.

Funaanadaas ayaa waxaa lagu iibsaday aduun lacageed dhan 240,000 oo Yuuroo, taasoo ka dhigan in lacagtii laga soo bixiyay lasoo celiyay, machaas laga sameeyay.

Lacagtaan qeyb kamid ah oo ah 1.6 Milyan oo Yuuroo ayaa kooxdaan reer France waxay ubixisay qaab sadaqo ah, iyadoona la siiyay dad talaablaysan.

Dhanka kale, Maaliyadda Kylian Mbappe, ayaa waxaa iyadana lagu iibsaday 550,000 oo Yuuroo, iydoona uu gatay Farshaxamiistaha reer France ee Richard Orlinski, kaasoo naqshadeeyay Filim-ka caan baxay ee lagu magacaabo King Kong.