Maalqabeenada AC Milan ayaa lasheegayaa in ay beecinayaan Qayb ka mid ah sheerka

Maalqabeenada dalka Shiinaha ee dhawaan lawareegay dhamaan sheerka kooxda AC Milan ayaa lasheegayaa in ay beecinayaan oo ay iska iibin doonaan qaar ka mid ah sheerka kooxda AC Milan

Li Yonghong oo ah shaqsiga ugu sareeya Maamulka AC Milan ayaa shaaca ka qaaday in 25 boqolkiiba ay iibin doonaan sheerka kooxda sheerkaas oo lagu qiimeeyo aduun lacageed gaaraya €303m.

Wargeyska La Repubblica,ayaa daabacay in shirkada Maamusha AC Milan laga doonayo in ay bixiyaan lacgo deymo ah oo lagu leeyahay kahor bisha October ee sanadkaan sidaa daraadeed ayey u beecinayaan 25 boqolkiiba sheerka kooxda.