Maamulka Kooxda Real Madrid oo loogu Baaqay In Ay Soo iibsadaan Neymar

Cayaaryahankii hore ee kooxda Real Madrid Jose Antonio Camacho ayaa maamulka kooxdiisii hore ku war galiyay in ay qasab ku tahay soo iibasashada Neymar.

Neymar ayaa si weyn loola xiriirinayay in uu dhaqaaqi doono kooxda Real Madrid, bilo uun kadib markii ka tagay kooxda Barcelona kuna biiray PSG.

cayaaryahanka xulka Barzil ayaa afartii bishii August ee sanadkii tagay noqday xidiga ugu qaalisan kubada cagta markii 222 Milion faraqa loogu shubay kooxda ka dhisan gobolka Catalonia ee Bluagrana.

Xidigan ayaa dhaliyay 28 gool 30 kulan oo uu ka soo muuqday Paris Saint Germain, laakiin waxa uu dhaawacmay todobaadkii la soo dhaafay, waxaana uu caawa shaashadaha ka daawan doona kulanka lugta labaad wareega 16-ka Champions League oo kooxdiisa ay soo dhaweyn doonto Los Blancos.

Madaxweynaha Real Madrid  Florentino Perez ayaa wali xiiseynaya adeega 26 jirka Brazil.

Hadana sidaa oo jirta tababarihii ahna xidigii hore ee Real Madrid Camacho ayaa sheegay in Neymar uu noqon doono mid ka dhex iftiima Bernabue hadii uu yimaado mar uun.

Shabakada Wararka Ciyaaraha Ee Cadalool__Isagoo la hadlayay wargeyska El Larguero waxa uu yiri”Waxaan jeclahay in kooxda ay abaarto xidigaha ugu wanaagsan waqtiga la joogo dabcan Neymar waa mid kamid ah xidigahaasi”.

Kooxda ku cayaarta Parc De Princess ayey iyaguna ka go’antahay in ay sii heystaan laacibka qasnadooda ay u jabiyeen ee Neymar Jr.

“Caadiyan, waxa uu damacsanyahay in uu kooxdiisa la sii joogo xagaaga danbe “ayuu agaasimaha ciyaaraha PSG Antero Henrique u sheegay wargeyska L’Equipe.

Neymar ayaa todobaadkan lagu sameyay qaliin lagu guuleystay waxaana uu garoomada ka maqnaan doonaa labo ilaa sadex bilood.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com