Maamulka La Liga Oo U Digay Barca Ka Hor Final Copa del Rey

Madaxweynaha xiriirka kubada cagta Spain ee loosoo gaabiyo La Liga, ninka lagu magacaabo Javier Tebas ayaa wuxuu uga digay Jamaahiirta iyo maamulka Barcelona inay ku ooriyaan marka la cayaarayo heesta qaranka Spain final-ka koobka Copa del Rey.

Dadka reer Catalan oo ubadan jamaahiirta Barcelona ayaa waxay caan ay ku yihiin sheekadaan waxaana Tebas uu carabka ku dhuftay in hadii ay dhacdo in tani ay sameeyaan mar kale, taageerayaasha Barcelona ay talaabo ay ka qaadi doonan.

Isagoo wareysi siinayay website-ka caanka ah ee lagu magacaabo Eldebatedehoy.es ee laga leeyahay wadanka Spain ayuu carabka ku adkeeyay Tebas in qodobka 115aad ee Dastuurka Spain uu dhigayo in Heesta qaranka ay tahay mid lagama maarmaan ah.

“Ma garan karo hadii tani ay tahay xayiraadyo dhanka dhaqaalaha ah – Kani waa Copa del Rey, ma ahan La Liga,” ayuu yiri Tebas.

“Waxaan mar walba aan sheegaa in tani ay tahay xayiraadyo, xitaa hadii la baaniyao kulan ama ciyaar muhiim ah,” ayuu sii daba dhigay.

“Laakiin, lama bedalo wax xeer ah, waxayna tahay waxa ay tahay – Mana saadaalin karno waxa dhici doona maxaa yeelay ma ahan wax laab-laab la gelin karo.

“Laakiin, kaliya waxaan filaynaa ama aan saadaalineynaa waxyaabo fiican oo wanaagsan, mar dhow ayaa la bedali doonaa.

“Qodobka 115aad ayaa waxaa uu ogolaanayaa garoonka Estadio Wanda Metropolitano [in lagu cayaaro heesta qaranka] isaga ayaana lagu dhaqmayaa,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay, Madaxweynaha xiriirka kubada cagta Spain.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com