Maamulka Man United Oo Ogaaday Dhibaatada Haysta Sanchez Iyaga Oo Waliba Aaminsan In Ay Xal Waara….

Madaxda sare kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay xal waara u heleen dhibaatada xiddiga ugu mushaharka badan Horyaalka premier league ee Alexis Sanchez oo kooxda ku dhibaatoonaya tan ilaa markii uu kooxda kaga soo biiray bisha January.

Madaxda sare ee kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay aaminsan yihiin in uu tababare Jose Mourinho khalday booska uu Alexis Sanchez iyaga oo aaminsan in 29 jirku ku soo baxayo weerarka tooska ah.

Man United ayaan wali Arkin qaab cayaareedkii ugu fiicnaa ee Sanchez tan iyo markii uu suuqii January kaga soo biiray kooxda Arsenal.

Xiddiga 29 jirkan ayaa kaliya hal gool u dhaliyay kooxdiisa waliba isaga oo kulankaas markii hore laga qabtay rikoorada taas oo keentay in shaki weyn la galiyo awoodiisa

Maamulka kooxda ayaa ka cabsi qaba in uu xiddigu noqdo sidii Angel Di Maria kaas oo kooxda ka tagay ku dhawaas saddex sano ka hor.

sidoo kale wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in maamulka Man United ay aaminsan yihiin in booska oo laga badalo in ay dib u noolayn karto qaab cayaareedka xiddiga  Alexis Sanchez

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com