Macalin Chelsea Ee Conte Oo Si Qiiro Leh Uga Hadlay Geerida Ku Timid Kabtankii Fiorentina

Waxaa subaxnimadii hore ee saaka oo Axad ahayd ku dhintay dalka Talyaaniga, kabtankii kooxda kubada cagta Fiorentina, kaasoo lagu magacaabi jiray Davide Astori, una dhashay wadanka Talyaaniga.

Sababta ka dambeysay geerigda Davide Astori, ilaa iyo hada si dhab ah looma oga, mrka laga tago inay jirto warar ay sheegayaan warbaahinta qaar, kuwaasoo ah inuu kusoo booqday xidigaan xanuun dhanka Wadnaha ah.

Sikastaba, Geerida Davide Astori ayaa waxay saameysay kubada cagta Talyaaniga iyo guud ahaan Yurub, waxaana dib loo dhigay kulamadii maanta iyo guud ahaan Isbuucaan laga ciyaari lahaa horyaalka dalka Talyaaniga.

Dad badan ayaa ka hadlay Geerida Davide Astori, waxaana ay muujiyeen dareenkooda iyo inay Murugada ay la wadaagayaan Qoyska, Asxaabta iyo waliba qof walba oo ay Taabaneyso Dhimashadiisa.

Shaqsiyaadka caanka ah, kuwaasoo illaa iyo haatan ka hadlay Geerida lama filaanka ah ee Davide Astori, ayaa waxaa kamid ah, macalinka Chelsea, ee Antonio Conte, kaasoo sheegay inay aad uxanuunjineyso isaga.

“Aad ayay ii taabaneysaa, waana ka naxay markii aan maqlay Geeriga [Davide Astori],” ayuu Hogaamiyaha Blues usheegay Shabakada Sky Sport, ka hor ciyaarta Manchester City, oo uu wareysi kooban bixiyay.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com