Macalin Conte Oo Saadaaliyay Ciyaarta Ay Arbacada Wajahaan Barca Ee Lugta 2aad Ee UCL

Antonio Conte, ayaa uga digay xiddigaha Chelsea FC, inay ahaadaan kuwa ugu fiican marka loo fiiriyo hadii ay u badan yihiin fursad ay u haystaan ​​inay Barcelona, ka reebaan Champions League, habeenka Arbacada.

Labadaan kooxood ayaa waxay kusoo kala baxeen lugtii koowaad Bareejo 1-1, waxaana tani ay muujineysaa sida labada dhinac ay udheeleen lugtii hore ciyaar adag, taasoo aan la go’aamin karin kooxda usoo baxda wareega 8-da.

Sikastaba, Conte oo warbaahinta la hadlay kadib ciyaartii 2-1 ay uga soo badiyeen Crystal Palace, taasoo Premier League, ka tirsaneed ayaa sheegay in ciyaartoydiisa ay ubaahan yihiin inay ku wajahaan Bluagrana niyad wanaagsan.

“Ballanqaadkeenu waa uu fiicnaa, sababtuna waa mid waajib nagu ah inaan farax-sanaano,” ayuu hadalkiisa ku bilaabay hogaamiyaha Blues.

“Barcelona waxay iskugu soo diyaarineysaa wada saxda ah, waana tani sababta ay dhab ahaan uga duwan yahay [kulankii aan la dheelnay Palace]

“Waa inaan muujinayaa adkeysi, waxaana la dheeleynaa mid kamid ah kooxaha dunida ugu wanaagsan, waxaana dheelnay kulan wanaagsan lugtii koowaad, ku dhawaadna waan fiicnaa kulankaas.

“Waa inaan ogaanaa in aysan noqon doonnin mid fudud, waana inaan isku deynaa inaan helo xalka kulanka aan dheelayno.

“Dadka ugu fiican ee aan la hadlayo waa ciyaartoyda, waa inaan si wada jir ah aan u raacnaa qorshaheena kulanka, waana inaan dheelnaa kulanka inagoo isku kalsoon,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay Antonio Conte.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com