Macalin Cumar Caruus oo Weerar ku qaaday Garsoorihii kulankii Horseed iyo Heegan

Macalinka kooxda kubada Cagta Horseed Cumar Caruus ayaa sheegay in ay cadaalad daro ahayd Roosihii la siiyey Cayaaryahankiisa Cali cadde kulankii bareejada ku dhamaaday ee ay la Cayaareen kooxda Heegan.

Cumar Caruus oo Waraysi siiyey markii Cayaartu dhamaatay TV ga Astaan ayaa sheegay in ay qalad ahayd Roosaha uu Garsoore Maxamed Soomaali siiyey Cayaaryahankiisa Cali Cade kaas oo uu yiri masamayn wax ficil ah ee waxa uu iska xiray Cayaaryahan doonayey in uu gadaal ka raaco Gacantuna uma tegin Cayaaryahanka heegan ee isaga ayaa u yimid sidaa daraadeed aad ayuu ugu deg degay bixinta Roosahaas.

Hogaamiyaha Horseed ayaa baaq u diray Xiriirka kubada Cagta Soomaaliya isaga oo ka codsaday in ay ka fiirsadaan garsoorayaasha ay u dhiibayaan cayaaraha sidaan oo kale ah isla markaana cadaalad loogu qabto kooxaha Maadaama Horyaalku Sanadkaan yahay mid Kooxo badan ku loolamayaan.

Garsoore Maxamed Soomaali oo sanadkaan bilaawgiisii ka mid noqdey Garsoorayaasha heerka Caalami ee Soomaaliya ayaa marka aad dhex Gasho bul;shada Cayaaraha Waxaa lagu xantaa in uu yahay mid aan ka fiirsan Calaamadaha uu bixiyo dabeecad ahaana uu jecelyahay in uu cayaar kasta bixiyo Calaamadaha ugu badan laakiin waxaa layiraa Garsooreba inta uu ka Calaamad yaryahay kan kale waa ka fiicanyahay.

 

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com