Macalin Jurgen Klopp Oo Si Adag Uga Jawaabay Dhaleecaynta Loo Jeedinayo Kooxdiisa Liverpool

Liverpool ayaa wajaheysa mowjado dhaleecayn ah, taasi oo uga imaaneysa dhinacyo kala duwan, waxaana lagu dhaliilayaan bandhig liita oo ay kooxdu sameyneyso.

Kulankii ugu dambeeyay oo ka tirsanaa Champions League waxaa 2-1 uga badisay PSG, kuwaasi oo qarka u saaran inay kusoo baxaan kaalinta koowaad ee Group-kooda.

Reds ayaa si lamid ah waxay ku dhowdahay inay wayso booskeeda 16-ka Dhagawayne, iyaga oo dib ugu soo laaban kara koobka xiisaha leh ee Europa League.

Tabbaaraha reer Germany ee Jurgen Klopp ayaa ku tilmaamay “Dhibi aanan waxba la socon” dadka dhaliilaha culus u jeedinaya naadigiisa Premier League dheesha.

Waa kuwa Dhibi ah oo aanan waxba la socon, waana ogtihiin idinkuba,” ayuu hadalkiisa udhigay Klopp, kaasi oo saxaafadda u waramay.

Ugu dambeyntii, Jurgen Klopp ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay inuu isbedal ku keeno kooxda, islamarkaana ay wadada guulaha cagta soo saaraan kulamada soo socda.