Macalin Mauricio Pochettino ayaa ciyaarta kaddib u sheegay saxaafada…

Mauricio Pochettino ayaa ciyaarta kaddib u sheegay saxaafada “Anigu ma hadli karo, waxaa nagu dhacay niyadjab aad u weyn, inkastoo aan waxwalba sameynay, laakiin waxaan ku faanayaa ciyaartoyda”.

“Dhamaan kulamada finalka waxay ku xiran yihiin guusha, Ee kuma xirna ciyaar wanaag, in la dhigo rigoore 20 ilbiriqsi kaddib bilawga ciyaarta waxay saameyn ku yeelatay ciyaartoyda”.

“Waxaan doonayaa inaan u hambalyeeyo Liverpool, tababare Jurgen Klopp, kooxda iyo taageerayaasha, sababtoo ah waxay sameeyeen xili ciyaareed weyn”.

“Waa wax aad u xanuun, balse waxaan u baahanahay inaan horey u sii socono, dabcan way adkaan doontaa, laakiin saacado kaddib waxaan u baahanahay inaan bedelno maskaxdeena si aan u noqono kuwo fiican”.

W/Q:Zaki Sanaag