Macalin Ronald Koeman Oo Kabtanka Qaranka Holland U Magacaabay Daafac Ka Tirsan Liverpool

Tababaraha xulka qaranka kubada cagta Holland, ninka lagu magacaabo Ronald Koeman, ayaa wuxuu ku dhawaaqay in daafaca naadiga Premier League ka dheesha ee Liverpool, Virgil van Dijk, uu yahay kabtanka wadanka uu macalinka.

Ciyaaryahan Virgil van Dijk, ayaa wuxuu Reds uga soo biiray dhigeeda Southampton, suuqii Janaayo, markaasoo ay kusoo iibsadeen aduun lacageed dhan 75 Milyan oo Yuuroo, taasoo ka dhgtay daafaca aduunka ugu qaalisan.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id, islamarkaana dareenkiisa soo bandhigaya ayaa wuxuu Van Dijk, wuxuu yiri: “In lay magacaabo kabtanka qaranka caalamiga ah ee Holland, waxay ii tahay aniga mid qaas ah, waxaana sameyn doono waxyaabo badan.

“Dabcan waxay ii tahay mid gaar, waxaana ay noqon doontaa maalin aan xasuusnaan doono, waxayna ka marag kacaysaa inaan wax fiican ku sameynayo England,” ayuu hadalkiisa kusii daray, laacibkaan Daafaca dhexe Liverpool, uga dheela.

Sikastaba, kulanka ugu soo horeeya ee uu Van Dijk, hogaamin doono wadankiisa isagoo Kabtan ah ayaa wuxuu yahay midka ay Magaalada Amsterdam, kula dheelayaan habeenka Jimcaha ah ah dhigooda England, markaasoo kartidiisa la arki doono.

Ronald Koeman iyo van Dijk, ayaa waxay horey ugu soo wada shaqeeyeen kooxda kubada cagta Southampton, oo kamid ah kooxaha heerka koowaad ee Premier League, ka hor inta uusan Koeman usoo wareegin Everton, oo aan lasoo racdeyn.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com