Macalinka Atletico Oo Sharaxay Sababta Aan Loo Heleyn Xeelad Lagu Xakameeyo Messi

Tababaraha Atletico Madrid, ninka lagu magacaabo Diego Simeone, ayaa sheegay in Lionel Messi, uu yahay mid aanan marnaba la heli karin xeelad lagu xakameyn karo dhaqdhaqaaqiisa, maadaama uu yahay mid kubada cagta udhashay.

Labadaan nin ee kasoo wada jeeda dalka Argentina ayaa waxay isaga hor imaan doonaa caawa Maqribkii kulan ka tirsan horyaalka La Liga, ee dalka Spain, waxaana ciyaartooda ay tahay mid wax badan ka bedali karta loolanka La Liga.

Kulankaan oo ka dhici doona garoonka caanka ah ee Camp Nou, ayaa waxaa la filayaa inay usoo daawasho tagaan in ka badan 90 kun oo qofood, waxaana Natiijada kasoo baxda aan kala socon doontaa Laacib.so INSHAA ALLAH.

“Inaad haysato ciyaaryahan sida Lionel [Messi] waxaad tahay mid aanan la heleyn xeelad laguugu joojin karo labadiina [Kooxda iyo Isaga],” ayuu Diego Simeone, ka hor sheegay wariyaasha ka hor Dheesha caawa.

“Ma tihimid [Mana awoodi kartid] inaan xakameyso isaga, maxaa yeelay [sababtoo ah] waa mid mar walba si dabiica ah udheela [wuu udhashay kubada cagta],” ayuu hadalkiisa ku daray Hogaamiyaha Atletico.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay hadalkiisa: “Waxaan mar walba dhihi doonaa, waxaan usoconaa inaan kulanka aan helno, waana waxa aan dooneyno [Inaan guuleysano kulanka oo aan wax walba usameyno].

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com