Macalinka PSG Oo Ka Hadlay Hadii Neymar Uu Go’aan Saday Inuu Baxo Kadib Ka Haristii Champions League

Xili Madaxweynaha kooxda kubada cagta PSG, ninka lagu magacaabo Nasser Al-Khelaifi, uu ku sugan yahay wadanka Brazil, halkaasoo uu ku booqday Neymar, si uu uga hadlo mustaqbalkiisa ayaa waxaa sheekaddaas soo xoojiyay macalin Unai Emery.

Neymar oo inta ka dhiman xili ciyaareedkan dhaawac garoomada uga maqnaan doona ayaa waxaa la sheegayaa inuu go’aan saday inuu ka tago kooxda kadib markii laga soo reebay tartanka Champions League, laakiin Unai Emery ayaa beeniyay.

Unai Emery ayaa wuxuu cod dheer ku sheegay in Neymar uu kamid yahay qorshaha kooxdiisa, islamarkaana uusan meelna uga socon kooxdaan oo ka dhisan caasimada Faransiiska, islamarkaana uu  xagaagii lasoo dhaafay uu kusoo biiray.

“Kadib markii aan kasoo harnay Champions League, waxaan qaatay talaabo ah inaan wax walba aan kusoo celiyo si caadi ah,” ayuu yiri macalin Emery.

“Wada-xaajoodyadda ka socdo [Brazil ee udhaxeeya Madaxweynaha PSG iyo Neymar] waa kuwa caadi ah oo xasiloon,” ayuu sii daba dhigay.

Aniga ahaan, waa mid iska cad mashruuceyna inuu yahay mid adag, qorshaheenu waan inaan ku xisaabtano ciyaartoyda sida Neymar [oo kale],” ayuu hadalkiisa kusoo xiray.

Sikastaba, agaasimaha cayaaraha ee PSG, ninka lagu magacaabo Artero Henrique, ayaa wuxuu ku wehlinayaa Madaxweyne Al-Khelaifi, safarka ay ku tageen gudaha wadanka Brazil, halkaasoo uu Neymar qaliin dhanka qancowga ah loogu soo sameyay.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com