Macalinka Tottenham Oo Daaha Ka Rogay Sabab Yaab Leh Oo Kooxdiisa U Sameyn Wayday Saxiixyo Cusub

Hogaamiyaha naadiga kubadda cagta Tottenham ee Mauricio Pochettino ayaa waxa uu fahfaahin dheeri ah uu ka bixiyay sababta ka dambeysay in kooxdiisa aysan sameynin suuqii soo xirmay wax saxiixyo ah oo waa wayn.

Sidoo kale, Spurs ma jirin ciyaaryahano magac leh oo kooxda ka tegay, inkasta oo ay jireen warar Harry Kane oo ah dhaqaajiyaha kooxda ka tagayo, laakiin ma aysan dhicin.

Tottenham kulanka furitaanka EPL waxay ka hor-tagaysaa dhigeeda kooxda lagu magacaabo Newcastle United ciyaar dhici doona Axadda Barri ah, taasoo xogteeda aan idin soo baahin doono.

Isaga oo kulankaas kahor la hadlay warbaahinta waxa uu sheegay Mauricio Pochettino in dhibaatooyinka ku saabsan ka bixitaanka dowladda Ingiriiska ee Midowga Yurub ay saameysay naadigiisa.

Isaga oo sharaxaad dheeri ah ka bixinayay wuxuu yiri: “Brexit [ka bixitaanka UK ee midowga Yurub] iyo dhaqaalaha aan ku dhisanay garoonka cusub, ayaa sabab u ah inaan saxiixyo sameyn”.

“Balse, waxaan ku kalsoon nahay xidigaha aan haysano, kuwaasoo aan ka rajaynayo inay qaban doonan shaqo aad uhufan,” ayuu hadalkiisa kusoo koobay macalinkaan udhashay dalka Argentina.

Tottenham ayaa sanad ciyaareedkii hore kaga dhameysatay kala saraynta Premier League kaalinta Saddexaad waxayna sanad ciyaareedkii labaad oo xiriir ah ay ka qayb geli doontaa tartanka Champions League.