Macalinkii Hore ee England Sam Allardyce Oo Xushay Shaxdiisa Xulka England

Tababarihii hore ee xulka qaranka England ee Sam Allardyce ayaa qirtay in ay ahayd in uu isagu hogaamiyo xulka qaranka England marka uu bilaaban doono koobka adduunka

Sam Allardyce ayaa xulka qaranka England ku hogaamiyay guushii ugu horaysay ee kulamadii is reeb-reebka ee koobka adduunkar markii uu guul 1-0 ah oo ay ka gaareen Slovakia ku hogaamiyay bishii September 2016

 

Laakiin kulankaas aya ahaa kulankii kaliya ee uu hogaaminayay xulalka isaga oo shaqada laga cayriyay 67 maalmood kadib markii shaqada looga eryay arimo anshax xumo

Gareth Southgate ayaa la wareegay hogaaminta xulka isaga oo dhamaystiray shaqada xulka England u soo saaray kooka adduunka ee Russia

Big Sam ayaa sidoo kale xushay shaxdiisa xulka qaranka England ee uu jecelaan lahaa in uu xulka qaranku kaga hor tago xulka Tunisia kulanka ugu horeeya

Sam Allardyce ayaa goolka u xushay Goolhayaha xulka Everton ee Pickford halka uu daafaca u soo xushay xiddigaha Walker,Stones,Cahil iyo Trippier halka uu khadka dhexe u xushay xiddigaha Henderson, Dier, Rose Iyo Alli halka uu weerarka ku lamaaneeyay xiddigaha Kane, Sterling

Halkan Hose Kaga Bogo shaxda uu Sam Allardyce u xushay in uu Xulka England kaga hor tago xulka Tunisia:

 

Image result for Sam Allardyce names his England XI with Sterling edging out Rashford