Madaxda sare ee Man United Oo Go,aansaday Macalinka Cusub ee Man United

Baadi goobkii macalinka cusub ayaa soo dhamaatay waxaana macalinka Rasmiga ee kooxda noqon doono tababare  Ole Gunner Solskjear.

Madax sare ee kooxda ayaa go’aankooda gaareen iyagoo Solskjear u arko macalinka ugu haboon ee kooxda si joogto loogu magacaabi lahaa hase yeeshee ku dhawaaqista heshiiskaan ayay macquul tahay in dib loo dhigo ilaa iyo dhamaadka sanadkaan.

Maamulka Man United ayaa warbaahinta ku maaweelin doonaan in howshii raadinta macalinka cusub wali socoto hase yeeshee sida xaqiiqda waxay tahay in raadintii macalin cusub ay soo afjarmatay kadib kulankii Fulham.

Qoyska reer Glazer ayaa aad ugu qancay howsha uu Solskjear kooxda ka qabtay waxayna aaminsanyihiin inuu yahay macalinkii ugu haboonaa kadib hoos u dhicii kooxda soo wajahay mudooyinkii dambe.

Qoyska reer Glazer ayaa kasoo safray cariga mareykanka waxayna kadib cayaartii Fulham kulan la qaateen macalin Ole Gunner Solskjear. iyo wakiilkiisa iyagoo waxkasta isku af garteen.