Madaxii Hore Ee Barca: “Figo Wuu Na Khiyaanay, Laakiin Neymar Lacag Ayuu Real U Aadi Karaa”

Madaxweynihii hore ee Barcelona, ninka lagu magacaabo Joan Gaspart, ayaa wuxuu sheegay in aanan leysla barbar-dhigi karin go’aamadii uu Luis Figo, Barcelona uga tegay uuna ugu biiray Real iyo kan Neymar oo  la warmayo.

Neymar, ayaa wuxuu Barcelona ka tegay fasal ciyaareedkii lasoo dhaafay, isagoona ku biiray PSG, markaasoo lagu iibsaday 22 Milyan oo Yuuroo, waxayna taasi ka dhigtay ciyaaryahanka dunida ugu qaalisan.

Sikastaba, Joan Gaspart, ayaa wuxuu aaminsan yahay in Neymar uu Los Blancos ku biiri karo, ayna sabab utahay in wiilkaan reer Brazil uu doonayo inuu dhaqaalo faro badan helo, taasina aanan laga joojin karin.

“Waa mid macquul ah in Neymar, uu Madrid udhaqaaqo,” ayuu Joan Gaspart, ku sheegay wareysi xasaasi ah oo uu siiyay Shabakada Marca, ee dalka Spain.

“[Hadii uu Real Madrid ku biiri] ma ahan mid lal barbar dhigo karo [Luis] Figo,” ayuu hadalkiisa ku daray Ganacsadahaan reer Spain.

“Figo waxa uu ku jiray khiyaano iyo waqti kordhin aan usameynin kooxda, waxaana uu ahaa mid fuley ah oo inaga gacangeliyey,” ayuu ku calaan-calay, Joan Gaspart, Madaxweynihii hore ee Bluagrana

“Si buuxda Neymar maka hor-istaagi karno [hadii ku biiri Real Madrid] sababtoo ah wuxuu doonayaa dhaqaalo ama Lacag,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay, Joan Gaspart, kaasoo intii udhaxeysay July 2000 iyo February 2003, xilka hayay.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com