Madaxwaynaha Juventus oo xalay dhigtay dabaal dag gaar ah ogow Sababta

Kadib markii xalay la xaqiijiyay Cristiano Ronaldo inuu ku biirayo kooxda Juventus oo soo afjartay saxiixiisa ayaa Mais Fuetbol soo bandhigtay sawirro ay wada galeen madaxwaynaha kooxda Juventus, wakiilka Ronaldo, iyo asxaab kale oo damaashaadaya. Jorge Mendes oo ah wakiilka Ronaldo iyo madaxwaynaha Juventus ayaa si gaar ah uga shaqeeyay in xiddiga uu ka tago kooxda Real Madrid, sidaas ayeeyna u dhigteen dabaal dagaan
ragaan ayaa xalay ka dhacay dhul dalxiis oo ku yaala dalka Giriiga, halkaas oo ay isugu tageen shalay.

Ragaan ayaa la filayaa inay isku raacaan magaalada Torino si ay u dhameeyaan qaybaha ka harsan heshiiska xiddiga uu ugu biirayo kooxda Juventus.

Image result for Mais Fuetbol and ronaldo, jorge Mendes