Madaxwaynaha Lazio ayaa xiddiga Milinkovic-Savic kooxaha doonaya u cadeeyay Qiimaha……

Madaxwaynaha Lazio ee lagu magacaabo Claudio Lotito asiga oo lahadlayay wargeyska Corierro Dello Sport ayaa lawadaagay aragtidiisa ku aaddan mustaqbalaka xiddiga qadka dhexe ee Lazio Milinkovic-Savic, kaas oo xiisanayaan kooxaha qaarada yurub intoo badan oo reer yurub ah.

“Dhab ahaanti kuma cadayn karo in aan iibiyo isaga, balse haddii aad i waydiiso imisa ayuu u qalmaa, intaa kadib waxaan rabaa in aan ku xasuusiyo ina aan sannadii hore iska diiday 110-malyan oo Euro.”

“Imisa ayay Man United ku iibsatay Pogba-110-malyan intaa kadib Milinkovic waxa uu uqalmaa in kabadan, maxaa yeelay isagu wax badan ayuu kawanaagsanyahay.

AC Milan iyo Manchester United oo si xoog leh loola xiriirinayay xiddigan maalimiihii lasoo dhaafay ayay u muuqataa in midkoodna aysan usuurta gali dooni lawareegista xiddigan Milinkovic .