Madaxweynaha Atletico Oo Ka Hadlay Waxa Ka Jira In Griezmann Uu Heshiis La Gaaray Barca Uuna Ku Biirayo

Iyadoo warbaahintu ay si weyn uhadalhayso in kooxda kubada cagta Barcelona, ay lasoo wareegi doonto xili ciyaareedka dambe ciyaaryahan Antoine Griezmann, islamarkaana ay heshiis la gashay ayaa waxaa sheekadaas garafka ku dhuftay Madaxweynaha Atletico.

Enrique Cerezo, ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in laacibka reer France, uu heshiis kula jiro kooxdooda, islamarkaana uu lasii joogi doono inta uu heshiis kula jiro iyagana uusan koox kale awood ulahayn inuu qandaraas kale uu usaxiixo.

“Griezmann ayaa ciyaaryahan Atletico Madrid ah, wuxuuna nagula jiraan heshiis, taasoo waqti dheer, inta ay tani jirto koox kale qandaraas kale lama geli karo,” ayuu Cerezo usheegay warbaahinta xili uu qabtay kulan warbaahineed.

“Mala yaabi doono hadii uu baxo, laakiin wuxuu halkaas ku joogaa qandaraas waqti dheeri ah,” ayuu hadalkiisa kusii daray.

“Laga soo bilaabo [Fernando] Torres, [Sergio] Aguero, [Diego] Forlan illaa iyo [Radamel] Falcao, waa ay baxeen, laakiin ma nihin kuwa Neer-foose ku noqon doono bixitaankiisa,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay Madaxweyne Enrique Cerezo.

Sikastaba, hadalka kasoo yeeray ninka ugu sareeya kooxda reer Spain, ee Atletico Madrid, ayaa wuxuu umuuqdaa mid jawaab u ah wararka xanta ah ee sheegaya in Barcelona, ay 100 Mliyan oo Yuuroo kusoo afduuban doonto bisha Janaayo ciyaaryahan Antoine Griezmann.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com