Madaxweynaha PSG Muxuu Ka Yiri Guul Daradii Real & Hadii Ay Ceyrin Doonaa Macalin Emery

Kadib guul daradii xalay ee Real Madrid iyo kasoo hari taankooda Champions League, ayaa wuxuu Madaxweynaha PSG, Nasser Al-Khelaifi, uu qirta in tani ay kooxdiisa uga dhigan tahay niyad jab weyn.

Laakiin, wuxuu cod dheer ku sheegay in ku guuleysiga Champions League ay tahay wax aanan lagu soo gaba gabeyn karin ama aan loogu guuleysan karin Hal habeen, ay wali ku dadaali doonaa arrinkaas.

Geesta kale, ninkaan reer Qadar oo sii hadlaya ayaa wuxuu ka hadlay mustaqbalka macalinkooda Unai Emery, kaasoo la fahansan yahay in la ceyrin doono, laakiin wuxuu diiday inuu sheekadaas si faahfaahsan uu uga hadlo

“Waa niyad jab weyn oo ku dhacday Paris, kooxda, ciyaartoyda iyo taageerayaasha,” ayuu si cad uyiri Madaxweynaha, xili uu umuuqday mid ka careysan Natiijada ciyaarta oo dhan.

“Waxaan ubaahan nahay inaan dajino nafsadeena, oo aan ka fikirno sidii aan uhormarin lahayn nafsadeena.

“Ku guuleysiga Champions League ma ahan mid hal habeen lagus oo gaba gabeyn karo, waa wado si degan loogu socdo, waxaana saaran nahay Baabuurkii saxda ahaa,” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Mustaqbalka macalin Unai Emery ayuu ka yiri: “Maanta ma ahan waqtiga ugu fiican ee laga hadli karo in wax la bedalo, waan ku rumeysanahay ciyaartoydeena, waan sii wadi doonaa shaqadeena.

“Maanta waxaan ka niyad jabinay taageerayaasheena, kuwaasoo si weyn noo taageeray,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com