Madaxweynaha Real Madrid Oo Ka Hadlay Hadii Ronaldo Uu Weydiistay Inuu Baxo Si Uu Shiinaha U Qaado

Madaxweynaha kooxda kubada cagta Real Madrid, ninka lagu magacaabo Florentino Perez, ayaa wuxuu ka hadlay wararka sheegaya in Crsitiano Ronaldo uu ku wajahan wadanka Shiinaha, islamarkaana uu soo gaba gabeyn doono waayihiisa Los Blancos.

Warar madax banaan ayaa tilmaamaya in CR7 uu ku fikirayo inuu aado wadanka Shiinaha islamarkaana uu inta ka dhiman xirfadiisa uu ku qaato halkaas, isagoona aanan dib dambe usaxiixi doonin heshiis cusub oo kooxdiisa uu la galo.

Qandaraaka uu hada kula jiro Madrid, ayaa wuxuu ka dhacayaa kabtanka qaranka Portugal sanadka 2020, iyadoona mar sii horeysay oo la weydiiyay inuu kordhin doono iyo in kale, ayaa wuxuu carabka ku dhuftay in uusan sidaas sameyn doonin

Sikastaba, Madaxweyne Perez oo ka qeyb galayay munaasabad ayaa waxaa wax laga weydiiyay arrinkaas, isagoona yiri: “Cristiano Ronaldo, aniga ma uusan iweydiisan inuu ka tago kooxda, sidaas darteeda ma aqaan waxa aad sheegeyso.

“Wuxuu hada kula jiraa heshiis, kaasoo uu wax badan ka dhiman yahay, marka waan arki doonaa hadii uu mid cusub uu kooxda saxiixo, laakiin waxa aan illaa iyo hadda ogahay ayaa ah inuu kooxda sii joogida ku farax-san yahay

Sikastaba, Ronaldo ayaa wuxuu hada dhaliyay 13 kulan oo uu Los Blancos garoonka usoo galay 21 gool – Dhanka kale horyaalka La Liga ayuu ka dhilinayaa goolal badan isagoona hadda leh 22 gool, wuxuuna 3 gool ujiraan Leo Messi oo 25 leh.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com