Madaxweynaha Sevilla Oo Fariin Digniin Ah U Diray Man Utd Ka Hor Kulanka Lugta 2aad Ee UCL

Waxaa jira rajo laga qabo xerada Sevilla ka hor Champions League wareega 16ka ee ay la leeyihiin Manchester United, iyadoo madaxweyne Jose Castro uu kalsooni ku qabo inay kooxdiisu soo saari karto natiijo taariikhi ah.

Ma jirin, tan iyo xilli ciyaareedkii 1957/58 inay gaaraan Seville final-ka sideedii koob ee ugu waa weyn Yurub oo uu ugu horeeyo Champions League, laakiin Castro ayaa aaminsan inay sameyn karaan habeenka talaadada.

“Waxaan isku dayi doonaa inaan ku soo bandhigno ficil anshax ah oo garoonka weyn ee Old Trafford,” ayuu u sheegay suxufiyiinta ka hor kulanka Seville ay uduuleyso wadanka England, gaara ahaan Manchester.

“Waxaan ku dhowaaneynaa inaan gaarno wax muhim ah ka dib 60 sanadood oo aan joogin quarter-final-ka.

“Marka aad marxaladan qaadato waxaad ka soo horjeedaa kooxaha leh dhowr jeer miisaaniyaddaada, laakiin waxaan leenahay fursad aan taariikhda u sameyno,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay.

Sikastaba, kulanka kooxaha Manchester United iyo Seville, ayaa wuxuu ka dhici doonaa habeenka Talaada ah ee Isbuucaan, iyadoona ay xusid mudan tahay in lugta koowaad ay kusoo kala baxeen labada dhinac 0-0.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com