Madaxweyne Shaaca Ka Qaaday Maamulaha Qarka U Saaran Inuu Conte Shaqada Ka Bedalo

Madaxweynaha naadiga kubada cagta Napoli ee wadanka Talyaaniga, ninka lagu magacaabo Aurelio De Laurentiis, ayaa wuxuu sheegayaa in Chelsea ay qarka u saaran tahay inay iska bedasho Antonio Conte.

Conte ayaa tan iyo fasal ciyaareedkii hore, waxaa shaki uu ku jiray masiirkiisa Blues, iyadoo si wayn loo hadalhayo inuu ka tagi doono, wallow hadda ku sugan yahay xeradda tababarka.

Sikastaba, Aurelio De Laurentiis ayaa daboolka ka qaaday in Maurizio Sarri, oo ah macalinkii hore ee Napoli uu wadaxaajoodyo dhamaad ku dhow kula jiro Blues, dhawaan go’aano ay la filan karo.

“Maurizio Sarri wuxuu ku dhow yahay inuu noqdo macalinka cusub ee Chelsea,” ayay kasoo xigatay Majaladda Sky Sport, Madaxweynaha kooxda xagaagii hore kaalinta labaad ka gashay horyaalka Italy.

“Qareenadeyda ayaa waxay hadda wadahadal ay kula jiraa kuwiisa, waxaana wax walba yihiin kuwa dhamaad ku dhow,” ayuu hadalkiisa kusoo daray Maal-qabeenkaan.

Maurizio Sarri, ayaa ka tegay kooxda Napoli, isagoona waqti xaadirkaan ah mid Baaga-muundo ah, ama aan wax shaqo haynin.

Carlo Ancelotti, ayaa loo magacaabay maamulaha cusub ee Napoli, kaasoo sanadka soo aadan hogaamin doona.

Sikastaba, Antonio Conte ayaa lama oga hadii uu is-casili doono ama shaqadda la eryi doono, maadaama warkaan cusub uu uyahay mid isaga ahaan aad umaqaar xanuun-jin doona.