Majalada MARCA Oo Neymar Ku Dhiiro Gelineysa Inuu Real Madrid Kusoo Biiro [Ogow Sababta]

Real Madrid, ayaa iska xaadirisay wareega Sideed dhamaadka ee tartanka Champions League, iyadoo labada lugood soo kala dirtay ama soo garaacday Murqaweynta reer France, ee Paris Saint-Germain.

Madrid, ma ahan kooxda ugu cad-cad inay qaado Champions League, laakiin ma aysan soo dhibtoon labada lugood, oo ay la dheeshay PSG.

In PSG laga ciribtiro Champions League, waxay fariin utahay xidiga dhaawacan ee Neymar Jr, kaasoo hadii uu doonayo inuu guuleysto ay tahay inuu Madrid usoo wareego, taasoo si weyn loola xiriirinayo.

Natiijadaan ayaa ka dhigan in PSG ay wali udhiman tahay qaan-faarnimo marka la yimaado Yurub, inkastoo ay gudaha Faransiiska xoog ku haysato.

Waxay ku bixiyeen suuqa wax ka badan Hal Bilyan oo Yuuroo, waxayna tani aysan ka saacidin inay dhaqan fiican ka sameeyaan garoonka.

Kulankii xalay, xidiga khadka dhexe ka dheela ee Marco Verratti, wuxuu sameeyay niyad jab xoog leh, kadib amrkii uu Kaar cas qaatay xili kooxdiisa 1-0 lagu hogaaminayo, waxana ka dhigneed waqtigaas guud ahaan ciyaarta 25 daqiiqo.

Sikastaba, Neymar, ayaa wuxuu uga soo tegay Barcelona, si uu wax badan uga bedalo kubada cagta ama Isboortiga, laakiin hadii uu doonayo inuu dib ugu soo laabto wada guulaha waa inuu xirtaa Maaliyada cad ee Real Madrid.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com