Majalada UOL Oo Kashiftay Waxa Looga Hadlay Kulan Dhexmaray Aabaha Neymar & Madaxa Real

Xili ay Real Madrid tahay mid ay ka go’an tahay inay hesho adeega Neymar Jr, islamarkaana ay lasoo wareegto ayaa waxaa wararka dalkiisa Brazil ka imaanaya ay tibaaxayaan inuu dhacay kulan dhex-maray Aabaha xidigaan misana wakiilkiisa iyo Madaxweynaha Los Blancos.

Lama oga goobta uu kulanka ka dhacay, laakiin warbaahinta Brazil, ayaa waxay faah-faahin dheeri ah ay ka bixineysaa waxa looga hadlay kulankii dhex-maray Neymar Snr, oo ah Wakiilka Neymar ahna Aabihiisa iyo waliba Madaxweyne Florentino Perez.

Inkastoo, Neymar Snr uu horey usheegay in Neymar JR, uu mustaqbalkiisa Paris Saint-Germain, hadana waxaa muuqata inuu wada hadalo uu la galay Madaxda ugu sareysa Boqorada horyaalka wadanka Spain ee Real Madrid.

Wargeyska reer Brazil ee UOL, ayaa wuxuu sheegayaa in kulanka labadaan dhinac, kaasoo dhacay Isbuucii hore, looga hadlay sidii uu Neymar ugu soo wareegi lahaa Los Blancos iyo waliba qorshihii arrinkaas lagu dhaqan gelin lahaa.

Sikastaba, waxaa la tix-gelinayaa inay tahay mid aan macquul ahayn in PSG lagu cadaadiyo iibinta xidigeeda, maadaama dhaqaalo badan ay dul-saaran tahay, waxaana heshiiska uu yahay mid si deg deg ah inuu ka dhaco ay suurta-galnimada ka fog tahay.

Horey ayaa waxay majalada MARCA, ee wadanka Spain ay usheegtay in Neymar uu yahay mid aanan ku farax-saneen Paris, sidas darteeda ay suuragal tahay inuu Spain kusoo laabto, iyadoona Madaxweyne Perez, uu uyahay dookhiisa koowaad ee suuqa.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com