Man City Oo Guul Weyn Kala Soo Laabteen Qalcadda Santiago Bernabéu

Kooxda Real Madrid iyo Man City ayaa nasinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal ah

Real Madrid qeybta hore iyaga ayaa kubadda haystay balse halis gilin muuqata ma jirirn , waxaana Man City ku adkaa in kubadda cagtooda ku daahdo

Man City guud ahaan kubadda waa looga gacan sareeyay sidaas oo ay tahay daqiiqaddii 20-aad gool ka bad baadiyay goolhayaha Real waxaana kubadaas lahaa Jesus

Marka guud ahaan la eego , City waxaa ka maqnaa fikir abuurista weerarka waxa ayna u muuqdeen kuwo taxadar ku jira , waxaana Real daqiiqaddii 30-aad gool laga bad badiyay Benzema waxaana si sameeyay goolahaya Man City.

Xilli xaaalka sidaas ahaa , City daqiiqaddii 33-aad waxaa dhaawac loo saaray Laporte iyadoo la soo giliyay Fernandinho , waxaana xusid mudan in ciyaartaan aysan laheyn xaraaraddii laga filyay.

Soo laabashadii , Real iyaga ayaa kubadda ku badnaa balse City waxa ay ku halis gilineysay kooxda boqortooyada kubadaha rogaal celiska ah waliba shabaqa ayay sigayeen xilli daqiiqadihii 56-aad iyo 57-aad goolhayaha Rela uu kubad ka bad baadiyay Riyad Mehraz kubado goolal ahaa.

Xilli City ku badnaayeen fusradaha walibana laga bad baadinayay , waa kan qalad ay galeen daafac City waxaana laga dhaliyay gool uu saxiixay Isco daqiiqadii 60-aad waxaana baaska sameeyay Vinicius Junior ,

Man Ciy inkastoo goolkaas looga naxsday hadana wel wel kama muuqan waxa ayna isku dayayeen in ay kubadda la qeybsadaan kooxda Real

Man City waxa ay u baahnaayeen in Raheem soo giliyaan si kubadda afka hore Real toos u gaarto xilli Macalin Zidane ay baadi goob ugu jireen gool labaad , waxa uuan Pep ugu dambeyn uu soo giliyay Raheem oo daqiiqadii 73-aad loo saaray Bernardo Silva xilli Real-na soo giliyeen Gareth Bale oo loo badalay Vinicius Junior .

Dadaalkii City ku bixinayeen in afka hore soo gaaraan waxa ay ku keeneen gool uu dhaliyay Jesus ka dib kubad uu ka shaqeeyya Kevin De Bruyn , waxa ayna aheyd daqiiqadii 78-aad, waxaana ansixay VAR ka dib markii Real ku doodeen in Xiddiga Brazil uu riixay Ramos .

Ka dib goolkaas , City dhaq dhaqaaqa waa xoojiyeen waliba garabka middig ilaa ay Real ku qasabeen qalad rigoore keenay waxaana dhaliyay Kevin De Bruyne daqiiqadii 83-aad , waxaana qaladkaas sameeyay Daniel Carvaja iyadoo uu ku galay Raheem .

Ka dib dhacdadaas , Real waxa ay daqiiqadii 84-aad soo giliyeen Lucas Vazquez oo loo saaray Modric , halka Isco-na la saaray waxaana badalkiisa la soo giliyay Jovic .
waxaa real kaaraka cas laga saiiyay Ramos daqiiqadii 85-aad ka dib isaga oo dafaca ugu dmabeya ahaa uu carqaladeeyay Jesus .

Man City dhamaadkii waxaa hor taagnaa goolhayaha Real , waxa ayan ciyaarta ku dhameeyeen 2-1 oo ay guusha ka gaareen RealMadrid

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com