Man City Oo Kusii Dhawaaneysa Ku Guuleysiga EPL Xili Ay Mar Kale Cagta Mariyeen Stoke

Manchester City ayaa waxay talaabo sarre ay uqaaday ku guuleysiga horyaalka Premier League ee wadanka Ingiriiska, kadib markii ay guul weyn oo muhiim ah ay kaga soo gaareen Stoke City gurigooda ama garoonkooda

Sky Blues ayaa kulankaan waxay umuuqatay mid ka awood badan dhigeeda, maadaama kubada ay inta badan iska haysatay iyada waxaana taasi tusaale kuugu filan in daafacyada Sky Blues ay dhexda joogeen.

Kooxda Pep ayaa waxay Stoke City ay kusoo dar-dartay 2-0, waxaana goolasha ay kala heshay labadda qeybood ee ciyaarta, maadaama ay qeybta koowaad lagu kala baxay 1-0, oo uu udhaliyay David Silva.

Xidigaan reer Spain, ayaa wuxuu dhaliyay goolkiisaan daqiiqadii 10aad ee Bogga koowaad, waxaana uu soo bandhigay muuqaal ciyaraeed heer sare ah, isagoona ahaa mid bandhig wacan ku lahaa guud ahaa garoonka.

Markii dib leyskugu soo laabtay ayaa waxay lasoo galeen Stoke ciyaartoydeeda garoonka kubad weerar ah, laakiin mar naba ku aysan guuleysan inay gool ay ka dhaliyaan ciyaartoyda Manchester City.

Daqiiqadii 50aad ee qeybta labaad ayaa waxaa yimid goolkii Sky Blues, ay hogaanka kusii dheereysatay, waxaana goolkaas ay uga mahad-naqayaan isla laacibkooda David Silva, kaasoo labaystay.

Ugu dambeyn, kulanka ciyaareedka ayaa wuxuu kusoo dhamaaday 2-0, oo ay guusha ku garaacday Manchester City, waxayna uga dhigan tahay in hogaanka ay ku hayaan 81 dhibcood, waxayna ubaahan yihiin labo kulan oo guul ah.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com