Man United ayaa Inter Milan ka diiday dalab cusub oo ay kaga doonayso xiddiga Romelu Lukaku

Kooxda Man United ayaa Inter Milan ka diiday dalab cusub oo ay kaga doonayso saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara ee Romelu Lukaku inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Man United ayaa diiday dalab lacageed oo dhan 60 Milyan oo euro oo ay Inter Milan k doonaysay saxiixa xiddiga reer Belguim ee Romelu Lukaku sida laga soo xigtay Sky Sport.

Dalabka ayaa ahaa lacag toos ah oo ayna ku jirin lacago guno ah waxana ay kooxdu diiday laba maalmood ka hor.

Manchester United ayaa ku adkaysanaysa in ay xiddiga ku iibiso lacag dhan 79 milyan oo euro oo ah lacagtii ay kaga soo iibsadeen xiddiga Everton marka lagu daro lacago guno ah.