Man United ayaa la sheegayaa in ay heshiis Afka ah la meel dhigtay weeraryahan cusub

Kooxda Man United ayaa la sheegayaa in ay heshiis Afka ah la meel dhigtay Mario Mandzukic si ay weeraryahanka Juventus ula soo saxiixato suuqa January sida ay sheegayaan wararku.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa xiddigaha Romelu Lukaku iyo Alexis Sanchez u ogolaaday in ay isaga tagaan kooxda xagaagii iyaga oo ku biiray kooxda Inter Milan laakiin ku fashilmay in ay weeraryahan cusub keenaan.

Solskjaer ayaa haatan sheegay in ay muhiimada ugu weyn ee Man United ee suuqa January tahay in ay keenaan weeraryahan cusub si ay u xoojiyaan weerarka.

Laakiin wargayska Tuttosport ayaa sheegaya in ay kooxda Juventus doonayso in ay Mario Mandzukic iibiso marka suuqa January la gaadho xilli uu weeraryahanku haatanba heshiis la meel dhigay Man United.