Man United ayaa u dhaw in hishiis cusub ka saxiixdaan goolhayaha David De Gea

Kooxda Man United ayaa u dhaw in hishiis cusub ka saxiixdaan goolhayaha David De Gea waxaana sidaas ku soo afjaramaya shakiga la gilinayay mustaqbalka garoonka ee Old Trafford

De Gea ayaa horay u dalbanayay in la siiyo mushaar gaarayay 350 kun oo gini si uu uga mid noqdo ciyaartooyda ugu mushaarka badan kooxda balse ka dib markii uu kooxdaas ka tagay Alex Sanchez waxaa haatan ugu sareeya Pogba oo qaata 290 kun oo gini

Wargeyska The Sun ayaa sheegeysa in De Gea ogalaaday in qalinka uu ku duugo hishiis gaaraya 5 sano waxa uuna ku qaadanayaa mushaar gaaraya 290 kunoo gini

De Gea ayaa Man United u yimid sanadkii 2011-dii xiligaas oo uu ka soo wareegay Atletico Madrid.