Man United iyo Liverpool oo Laga Diwaan Galiyay Rikoor Aan Ka Dhicin 18 Sano

Kulankii sida weyn loo sugayay premeir League ee u dhexeeyay kooxaha Man United iyo Liverpool ayaa ku soo dhamaaday bar-bar 1-1 ah kulan ka dhacay garoonka Old Trafford kana tirsanaa horyaalka premier League.

Labada Kooxood ee Man United iyo Liverpool ayaa diwaan galiyay rikoor ay ka dhigeen horyaalka premier League 18 sano kadib markii uu kulanku dhamaatay  bar-bar dhac .

Labada Gool ee ayay kala dhaliyeen xiddigaha xulka England ah oo kala ah Marcus Rashford oo hogaanka u dhiibay Man United & Adam Lallana oo bar-baraha u dhaliyay kooxdiisa.

Sidaas darteed kulankan ayaa noqday midkii ugu horeeyay ee ay laba xiddig oo England ah gool u dhaliyaan Kulan ka dhexeeya kooxaha Man United iyo liverpool muddo 18 sano ah

Markii ugu dambaysay ee ay labada xiddig oo u dhashay dalka England gool u kala dhaliyaan labada kooxood kulan ay wada ciyaarayeen oo premier League ah ayaa ahayd November 2001 markaas oo ay labada kooxood gool u kala dhaliyeen Michael Owen & David Beckham.

Image result for man united vs liverpool

Image result for man united vs liverpool

Image result for man united vs liverpool

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com