Man United Oo Dalab 45 Milyan Ah Ka Gudbisay Badalka Harry Maguire, Horyaalkee Ayuu Ka Ciyaaraa?

Kooxda Man United ayaa u muuqata kuwo isaga quustay helitaanka saxiixa daafaca kooxda Leicester City iyo xulka qaranka England ee Harry Maguire kaas oo ay doonayeen adeegiisa inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Man United ayay dalab 45 Milyan ah ka gudbisay xiddiga daafaca dhexe uga ciyaara kooxda Fiorentina Nikola Milenkovic sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Italy.

United ayaa si aad ah u doonaysa xoojin dhanka daafaca ah kadib markii xilli ciyaareedkii hore laga dhaliyay 54 gool horyaalka premier League.

Red Devils ayaa doonaysay saxiixa daafaca kooxda Leicester City eer Harry Maguire laakiin Kooxdiisa ayaa dul dhigtay lacag dhan 90 Milyan oo euro taas oo ah mid aanay doonayn in ay bixiyaan.

Man United ayaana la xidhiidhay kooxda Fiorentina iyaga oo dalab Rasmi ah ka gudbiyay daafaca dhexe ee Milenkovic sida ay sheegayaan saxaafada dalka Italy.

Milenkovic oo 21 jir ah ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay tan ilaa markii uu ku soo biiray Serie A-da kagana soo biiray kooxda Partizan Belgrade sanadkii 2017