Man United Oo Go,aan Ka Gaartay Mustaqbalka Macalin Ole Gunnar Solskjaer

Maamulka Man United ayaa wax niyad ah u hayn in ay shaqada ka caydhiyaan tababare Ole Gunnar Solskjaer inkasta oo ay kooxdu ku bilaabatay sidii ugu xumayd taariikheeda horyaalka premier League.

Kooxda Man United ayaa kaliya 9 dhibcood ka heshay horyaalka premier league iyaga oo badiyay 2 kulan laga badiyay 3 kulan sidoo kale bar-baro galay 3 kulan oo kale.

Tababare Ole Gunnar Soslkjaer ayaa la kulmay dhaleecayn badan sababa la xiriira natiijooyinka xun ee ay kooxdu ku bilaabatay xilli ciyaareedkan horyaalka premier League.

Tababare Soslkjaer ayaa shqada tababare ee Mna United ka badalay Jose Mourinho kaas oo la caydhiyay intii lagu jiray xilli ciyaareedkii hore.