Man United Oo Guul Mucjiso Ah Ka Gaartay Juventus Xili Wiilasha Mourinho Ay Geesinimo Muujiyeen

Juventus oo marti soortay Manchester United ayaa kala kulantay dharbaaxo kulul kooxda dheesha horyaalka Premier League ee wadanka Ingiriiska.

Naadiyadaan oo kulankoodu uu ahaa mid aad u xiiso badan waxay ku kala baxeen natiijo dhan 1-2, taasi oo marag fur u ah in dheeshu ay ahayd mid aad u adag.

Goolka madiga ah ee Marwada Duqda waxay uga mahad-celineysaa Cristiano Ronaldo, kaasi oo shabaqa ku hubsaday daqiiqadii 65aad ee qaybta labaad.

Laakiin, Juan Mata ayaa barbardhac ka dhigay kulanka daqiiqadii 86aad ee qaybta labaad, kadib markii weerar cirka iyo dhulka ah ay soo abaabuleen wiilasha Jose Mourinho.

Isla duulaankaasi ayaa sababay inay isku dhex-yaacaan daafacyada Juve, taasi oo dhalisay inuu gool iska dhaliyo Alex Sandro, taasi oo guul lama filaan ah siiyay United.

Inta uu socday kulankaan ma jirin ciyaaryahan la siiyey kaar casaan ah, balse waxaa jiray laacibiin loo qaybiyay kaarka Jaalaha ah, kuwaasi oo labada dhinac ka tirsan.

Guushaan ayaa kaga dhigan Man United inay yeelaneyso 7 dhibcood xili ay labaad ka gelayso Group-ka H, kaasi oo ay kooxahani kula jiraan.

Juventus ayaa kulanka soo aadan waxay la balansan tahay dhigeeda AC Milan kulan ciyaareed xamaasad leh, kaasi oo ka qabsoomaya todobaadka dambe qalcada Milan, kana tirsan horyaalka Talyaaniga.

Dhanka kale, Man United ayaa dheesha soo socota waxay la balansan tahay Manchester City, kuwaasi oo ay wada dheeli doonan kulan Premier League qayb ka ah.