Man United oo magacaawday badalka Pogba, haddii ay dhacdo inuu ka dhaqaaqo Old Trafford

 Kooxda Manchester United ayaa magacaawday badalka Paul Pogba, haddii ay dhacdo inuu ka dhaqaaqo garoonka Old Trafford dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Bild” ee dalka Jarmalka, Manchester United ayaa go’aamisay in Toni Kroos ay ka dhigato badalka Pogba.

Manchester United ayaa rajeyneysa in kooxda Real Madrid ay aqbali doonto dalab gaaraya 75 milyan euro, si ay u ogolaato bixitaanka kuabd sameeyah reer Germany.

Image result for toni kroos to man united

Waxaa xusid mudan in Paul Pogba uu bar-tilmaameed xoogan u ahaa kooxda Real Madrid inta lagu gudi jiray suuqii xagaaga ee la soo dhaafay, laakiin lacagaha xad dhaafka ah ay codsatay Manchester United ayaa hoos u dhigtay dhameystirka heshiiska la doonayay in Pogba uu ugu dhaqaaqo garoonka Bernabéu.

Si kastaba ha noqotee, Toni Kroos ayaa cusbooneysiiyay qandaraaskiisa kooxda Real Madrid bishii May ee la soo dhaafay, wuxuuna gaarayaa ilaa iyo 2023