Man Utd Oo Iska Xaadirisay Wareega 8 FA Cup Kadib Markii Ay Old Trafford Ku Dubteen Brighton [Sawiro]

Kooxda kubada cagta Manchester United ayaa usoo baxday wareega Sideed dhamaadka FA Cup-ka kadib markii ay Old Trafford ay kusoo khaarijiyeen dhigooda Brighton, Ciyaartaan ayaa kusoo dhamaaday 2-0 oo ay guusha ku heshay Man United, waxaana goolasha ukala dhaliyay Romelu Lukaku  iyo Nemanja Matic.

Goolka Lukaku ayaa wuxuu yimid daqiiqadii 36aad ee qeybtii koowaad ee kulanka, halka kooxd Matic uu yimid daqiiqadii 83aad ee qeybtii labaad.

Image result for Man United vs Brighton

Mudada uu kulanka socday lama bixin wax Kaarar ah, taasoo ka dhigan in kulanka uu ahaa mid degan, islamarkaana aad uqoboonaa.

Manchester United, ayaa waxay haysatay Kubadda 61% halka Brighton ay haysatay 39% taasoo ka dhigan inuu kulanku guud ahaan gacata ugu jiray Red Devils.

Sikastaba, United ayaa waxay noqoneysaa kooxdii labaad oo soo baxda wareega Sideed damaadka, maadaama ay horey ugu soo baxday Tottenham iyadoo ay harsan yihiin labo naadi, kuwaasoo ka kala imana doona: Leicester City vs Chelsea – Wigan Athletic vs Southampton.

Image result for Man United vs Brighton

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com