Man Utd Oo Kaalinta 2aad Xijisatay Kadib Markii Ay Minankeeda Ku Tuntey Liverpool [Sawiro]

Manchester United ayaa si fiican udhuuqsatay kaalinteeda labaad kadib markii ay Old Trafford kusoo garaaceen dhigooda Liverpool, ciyaar si fiican ay ugu wada dagaalameen ciyaartoyda labada kooxood.

Kooxda Manchester United, ayaa bilowgii hore ee ciyaarta kala dirtay kooxda Liverpool, waxayna ku hor-martay labo goo loo deg deg ahaa.

Laacibka dalka England, udhashay ee Marcos Rashford, ayaa dhaliyay labada gool, kuwaasoo kala yimid daqiiqadihii 14aad iyo 24aad ee bogga hore ee kulanka.

Qeybta koowaad ayaa si walba ay noqoto waxay kusoo kala baxeen labadda dhinac 2-0, oo ay United ku horkaceyso kulanka.

Markii dib leyskugu soo laabtay, ayaa waxay Liverpool, sameysay dadaalo badan, kwuaasoo ay ku dooneysay inay goolasha isaga soo aarto.

Daafaca Man United, ee Eric Bertrand Bailly, ayaa wuxuu iska dhaliyay gool, daqiiqadii 66aad ee qeybta labaad ee kulanka – Tani ayaana ka dhigtay in ciyaarta ay noqoto xiligaas wixii ka dambeeyay 2-1.

Sikastaba, marka labada kooxood ayaa waxay ku heshiiyeen guud ahaan daqiiqadihii kulanka loogu talagay 2-1, oo ay guusha ku qaadatay Man United, waxayna tani utahay mid aad muhiim u ah.

Guushaan ayaa waxay siineysaa kooxda Jose Mourinho 65 dhibcood, waxayna ay ka sareyneysaa Liverpool, oo kaalinta labaad fadhisa misan leh 60 Buundo, Shan dhibcood oo nadiif ah, waxaana ay umuuqataa Red Devils inay fakatay.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com