Manchester City Lug Lasii Gashay Wareega 16-ka UCL Markii Ay Labo Cad Ka Dhigeen Shakhtar Donetsk

Manchester City waxay guul raaxo leh ay ka heshay dhigeeda Shakhtar Donetsk, kuwaasi oo ay kusoo dhaweeyeen garoonkooda Etihad Stadium.

Dheeshii dhex-martay kooxahani oo ahayd mid xiiso leh ayaa waxay kusoo dhamaatay daqiiqadihii loogu talagalay 6-0, oo ay ku badisay naadiga EPL dheesha.

Sky Blues waxay goolasha ka heshay Raheem Sterling, Gabriel Jesus oo labo Rigoore iyo mid caadi ah dhaliyay, Riyad Mahrez iyo waliba ciyaaryahan David Silva oo hal heer shabaqa soo taabtay.

Inta uu socday kulankaan ma jirin ciyaaryahan la siiyey kaar casaan ah, balse waxaa jiray laacibiin loo qaybiyay kaarka Jaalaha ah, kuwaasi oo labada dhinac ka tirsan.

Guushaan ayaa kaga dhigay kooxda Pep Guardiola inay yeelaneyso Sagaal dhibcood, iyadda oo hogaanka uhaysa Group-ka F, kaasi oo ay kasoo bixi karaa sida muuqata.

Manchester City kulanka soo socda waxay la balansan tahay dhigeeda Man United ciyaar ka dhici doonta Etihad Stadium todobaadka dambe, taasi oo Premier League ka tirsan.