Manchester City Miyey fursad u heysataa iney la saxiixato xiddiga Lionel Messi

Kooxda kubada cagat ee manchester City waxey heysataa awood ay kusoo iibsan karto weeraryahanka Barcelona Lionel Messi, balse agaasimaha cayaaraha kooxda man city Ferran Soriano ayaa daboolka ka qaaday ineysan soo iibsan karin.

Ferran Soriano wuxuu ka mid ahaa maamulka kooxda Barcelona intii u dhaxeysay 2003 ilaa 2008, sidaas darteed si wanaagsan ayuu u yaqaanaa wuxuuna aaminsan yahay inuu laacibkan nolosha Catalonia aad ugu raaxeysanayo.

Wax fursad ah uma heysano saxiixa lionel  Messi ayuu u sheegay dhawr wargeyska kasoo baxa magaalada Buenos Aires.

Si wanaagsan ayaan u aqaanaa isaga iyo qoyskiisa, waan ogahay iney ku fiican yahiin magalada catalonia ee ka dhisan tahay kooxda Barcelona, waana meesha uu u baahan yahay inuu ahaado”

“Waxaan ku soconeynaa wadadeena isaga la’aantiis, taasoo aad u dhib badnaan doonta sababtoo waa ciyaariyahanka ugu fiican taarikhda”

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com