Manchester United ayaa ku dhow inay gacanta kusoo dhigto daafaca kooxda AS Roma…

Manchester United ayaa lasoo warinayaa inay qarka u saaran tahay saxiixeedii ugu horreeyay ee suuqa kala iibsiga ee bisha janaayo kaddib markii la sheegay inay ku dhowdahay inay gacanta ku soo dhigto daafacaAS Roma Kostas Manolas.

Man United ayaa ku raad joogtay sidii ay u heli lahayd daafac mug leh oo xal u keena dhibaatada qeybta dambe ka heysata iyadoo si wayn lala xiriirinayay Toby Alderwiereld, Eder Militao, iyo Kalidou Koulibaly.

Laakiin, wargeyska Marca ayaa iminka warineysa in ugu dambeyn uu macalin Solskjaer helay daaficii uu waqtiga dheer sugayay maadaama ay qarka u saaran yihiin saxiixa Kostas Manolas.

Daafacan ayaa  horey u sheegay inuu u soo dhaqaaqayo koox wayn ee qaarada Yurub .