Manchester United ayaa qasnadaha u jabinayso xagaagan suuqa kala iibsiga

Kooxda Manchester United ayaa isku diyaarineysa inay jabiso qiimaha ugu sareysa ee suuqa kala iibsiga ee  dalka England.

Sida laga soo xigtay wargeyska “The Sun” Manchester United ayaa diyaar u ah inay bixiso lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa João Félix, xiddiga Benfica ee dalka Portugal, si ay ula soo saxiixato suuqa xagaaga ee soo socda.

Qiimaha lagu burburin karo qandaraaska uu 19 sano jirkan ku joogo kooxda Benfica ayaa gaarsiisan 105 milyan ginni.

Heshiiska ugu qaalisan taariikhda gudaha dalka England ayaa gaarsiisan 89 milyan oo ginni, oo ay kooxda Man United kala soo wareegtay dhigeeda Juventus laacibka khadka dhexe ee Paul Pogba seddex sano ka hor.

Tababaraha Ole Gunnar Solskjær ayaa doonaya inuu dib u xoojiyo  safka Manchester United, kaddib xili ciyaareedkii niyadjabka ahaa ay kooxda soo qaadatay, wuxuuna doonayaa inuu u dhaqaaqo saxiixa João Félix.

Xiddiga da’ada yar ee kooxda Benfica ayaa ka mid ah ciyaartoyda xiligan ugu sareysa suuqa kala iibsiga ee xagaaga, maadaama ay adeegiisa wada xiiseenayaan kooxaha ugu waa weyn QaaradaYurub, sida Manchester City, Juventus, Bayern Munich iyo Barcelona.