Manchester United ayaa ugu dambeyn iska barejeynaysa kooxaha kale ee Premier League sabab

Manchester United ayaa ugu dambeyn iska bareejeynaysa kooxaha kale ee Premier League kaddib markii ay si rasmi ah u xaqiijisay inay markii ugu horreysay sameysaneyso koox Haween ah.

Man united  ayaa ah kooxda kaliya ee iminka ka dhisan  horyaalka England oo aan lahayn koox gabdho ah.

Kooxaha Haweenka ee Manchester City iyo Chelsea iska dhaafee Ingiriiska waxay wacdaro ka dhigaya tartamada kale ee Yurub taa oo ka maseersiisay kooxda ka dhisan  garoonka Old Trafford oo iminka qaadeysa talaabo ay isaga bareejeynayso.

Natiijada sawirka Mancheste City and Chelsea women Teams

Man United ayaa codsi u dirtay FA iyadoona rajeynaysa inay ku biiraan heerka labaad ee horyaalka Women’s Super League.

Madaxa fulinta  man united ee Ed Woodward ayaa warbixin uu soo saaray ku xaqiijiyay inay howshan ku howlan yihiin isla markaana kooxda gabdhaha ee la aas aasayo ay heli doonaan adeeg la mid ah kooxda Ragga.

Manchester United ayaana xaqiijisay in kooxda Gabdhaha uu saldhigooda noqon doono Cliff training centre.

Image result for man united girl sports

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com