Manchester United ayaa wajihi doonta kooxda AZ Alkmaar kulan ka tirsan Europa League

Manchester United ayaa wajihi doonta kooxda AZ Alkmaar kulan ka tirsan Europa League.

Labadan koox ayaa xaqiijiyay inay u soo baxeen wareega 16ka laakiin kulankaan ayaa go’aamin doona cida ku soo bixi doonta booska 1aad Group L.

Red Devils ayaa hada Group-ka ku hogaamineysa 10 dhibcood, laakiin kooxda Holland ka socoto ayaa hal dhibic ka hooseeya. Ole Gunnar Solskjaer ayaa u baahan kaliyay barbarro ama guul siduu ugu soo boxo booska1aad.

Si kastaba ha noqotee, kooxda Arne Slot lagu naaneeso ee AZ AlKamar ayaan weli dhadhamin wax guuldaro ah intuu socday tartankan xilli ciyaareedkaan, sidaa darteed tani ayaa u noqon doonta arrin adag Solskjaer iyo wiilashiisa

WARBIXINTA KULANKA:

Kooxaha: Man United vs AZ AlKamar
Garoonka: Old Trafford
Saacada: 11:00pm 

YAA KA MAQAN MAN UNITED

Eric Bailly, Timothy Fosu-Mensah iyo Diogo Dalot ayaa weli ah kuwa muddo dheer maqnaanaya mana la filayo inay soo laabtaan ilaa sanadka cusub, halka Paul Pogba uu ku gudo jiro taam ahaan shihiisa sida laga soo xigtay Solskjaer.

Dhanka kale, Nemanja Matic ayaa wajahaya tijaabo caafimaad oo xilli dambe ah, waxaana laga yaabaa inuu ciyaaro kulankan kiisa ugu horeeyay tan iyo Oktoobar, laakiin Marcos Rojo ayaa mar kale garoomada laga saaray. Sidoo kale Lingard ayaa isna dhaawac yar ka soo gaaray kulankii Derpy Manchester.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com