Manchester United Oo Dib Ugu Soo Laabtay Tababarka Kooxda Ka Hor Kulankooda Liverpool+ Sawirro

Cayaartooyda kooxda Man united  ayaa dib ugu soo laabtay xerada tababarka kooxda si ay isugu diyaariyaan kulanka xiisaha leh ee Liverpool ay la cayaari donaan.

Macalin Jose Mourinho wuxuu heli doonaa waqti fara badan oo xidigaha kooxdiisa uu ugu diyaariyo kulanka Liverpool, oo ah kan go’aamin kara booska labaad  ee kala sareen  horyaalka Premier League.

Manchester United, ayaa Liverpool kadib la balansan kooxda Sevilla oo ay wada ciyaari doonaan lugta labaad warega 16-ka Champions League, halka Reds ay xalay xaqiijisay in ay u soo baxday wareega sideed dhamaadka UEFA Champions League.

Si kastaba a haatee cayaartooyda Man United waxay dib ugu soo laabteen tababarka kooxda, kadib guushii ay ka gaareen kooxda Crystal palace, Victor Lindelof, Paul Pogba iyo cayaartooy kale ayaana qeyb ka ahaa kuwa ku soo laabtay tababara dhameystiran ee Man United.

 

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com