Manchester United oo Guuldaro ku soo xirtay Kulamadii Tijaabada+Sawirro

Kooxda Kubada Cagta Manchester United ayaa Guuldaro kala kulantay Cayaarteedii ugu danbeysey Cayaaraha Saaxiibtinimo ee ay dheeshey kahor bilaabashada Horyaalka oo ay iyagu furi doonaan Jimcaha.

kooxda  Bayren Munich oo garoonkeeda ku Marti gelisey xiddigaha Jose Mourinho ayaa kaga badisay 1-0 Goolkaas oo uu daiiqadii 59 aad qaybta labaad uu dhaliyey Xiddiaga dalka Spain ee Javi Martinez iyada oo sidoo kale Garab dhaaf lagu sheegay Gool uu dhaliyey Arjen Robben.

Waa kulankii ugu danbeeyey ee Manchester United cayaarihii ay ugu tala gashay in ay isku Tijaabiyaan inta uusan bilaaban Horyaalka  waxaana ay ku dhamaysteen iyaga oo aan Gaarin Guul lataaban karo ama kafarxisa Jamaahirta Manchester united.

Image result for man united vs bayern munich

Image result for man united vs bayern munich

Image result for man united vs bayern munich