MAQAAL: Labo Sabab Oo Uusan Neymar Ugu Soo Laaban Karin Barcelona Oo La Shaaciyay

Ciyaartoyda Barcelona, ayaa waxay yihiin kuwa gacmo furan ufurayo in Neymar uu dib ugu soo laabto Bluagrana, waxaana sheekadaas siyaabo isku ah usoo dhaweeyay Ivan Rakitic iyo Philippe Coutinho.

Laakiin, midkoodana wax saameyn xoog ah kuma lahan kooxda mana go’aanmin karaan in laacibkaan reer Brazil uu dib usoo laabto, maxaa yeelay waxaa jira karta awoodo ka badan oo meesha-yaala.

Inkastoo Neymar uu ku farxi lahaa hadii dib ugu soo laabto Barcelona, hadana waxaa iska cad in fariinta qolka labiska ee Barcelona ay dareemayaa mid kamid ah taasi, maxaa yeelay waa saaxib wanaagsan.

Lionel Messi, Luis Suarez iyo Gerard Pique, waxaa la hubaa inay jeclaan lahaayeen inuu dib usoo noqdo Neymar, laakiin waxaa jira waxyaabo badan kuwaasoo udiidaya in laacibkaan uu dib ugu soo noqdo Camp Nou.

Marka koowaad, waxaa sababtu ay tahay in Neymar uu dhacay kooxda, islamarkaana uu maxkamad kula koray dhaqaalo ama Gunno lacageed oo uu heshiis kula galay kooxda, markii uu heshiis kordhin usameeyay.

Marka labaad oo ah in taageerayaasha kooxda qaarkood ay u arkaa Neymar inuu yahay Khiyaanoole, maadaaam uu ka tegay iyagoo ay doonayaa, oo waliba ay intaas dheer-tahay in uusan muujin dareen bixitaan ah.

Sikastaba, wax walba waxay horyaalaan Madaxweyne Josep Maria Bartomeu, oo ah ninka qaadan kara go’aamada waa weyn ee kooxda, inkastoo aysan ubadneen inuu qaato go’aanka uu dib ula soo saxiinayo wiilkaan.

OGEYSIIS: Maqaalkaan waxaa qoray Saxafiga lagu magacaabo Luis F. Rojo, kaasoo ka tirsan Wargeyska caanka ah ee MARCA, taasoo ah tan koowaad ee ugu afka dheer, guud ahaan wadanka Spain, ee qaaradda Yurub.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com