Maradona Oo Hal Arin Oo Cajiib Ah Kula Taliyay Messi Ka Hor Inta Uusan Tuurin Laadadka Xurta

Diego Maradona, Halyeeygii hore ee kooxda kubada cagta Napoli, ayaa wuxuu Messi, kula taliyay in uusan Kubada cagtiisa saarin ka hor inta uusan Tuurin Laadka xurta ah, sida uu shaaciyay Tababaraha jirdhiska ee Argentina.

Fernando Signorini, oo wareysi siiyay LaSexta, ayaa wuxuu sheegay in wada sheekeysi labadaan xidig ku dhex-maray xarunta tababarka qarana Argentina loogu sheegay arrinkaan, xili ay ahayd mar sii horeysay.

“Maalin uu xarunta tababarka noogu yimaaday Maradona ayaa waxaan bilaabay inaan la sheekeysto isaga, waxaana meel aan naga fogeyn taagnaa Messi,” ayuu Fernando Signorini, hadalkiisa ku bilaabay.

“Messi wuxuu soo qaatay kubada, wuxuuna isku deyay inuu uuro Laad xur ah, waliba saddex jeer, midna ma uusan ku guuleysan inuu dhaliyo,” ayuu hadalkiisa kusii daray, tababaraha Jirdhiska ee Argentina, ninka lagu magacaabo Signorini.

“Markaas kadib, [Messi] waa uyimid Maradona, waxaana ay qaateen wax xoogaa wada sheekeysi ah, kadib waxaa loo sheegay sida ugu wanaagsan ee loo dhalin karo Laad xur ah,” ayuu  hadalkiisa kusii daray.

“Wuxuu soo qaatay kubada, wuxuuna dhigay meel aktiisa ah, isagoona tusiyay una sheegay in marka la tuurayo Laadka xurta ah, looga baahan yahay ka hor inta uusan Laadin uusan saarin cagtiisa,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray.

Sikastaba, hadalkaan kasoo yeeray, Tababaraha jirdhiska ee qaranka Argentina, ayaa wuxuu kusoo aadayaa iyadoo Lionel Messi, uu Atletico Madrid ka dhaliyay gool Free Kick ah, ciyaartii Camp Nou ka dhacday Habeenkii Axadda.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com