Marcelo Oo Afartaan Arrin Ka Codsaday Xidigaha Real Si Ay Cagta U Mariyaan Liverpool Final-ka UCL

Daafaca dambeedka buuxa ee Real Madrid wiilka lagu magacaabo Marcelo, kaasoo wareysi siiyay Idaacad ku taala dalka Spain ayaa wuxuu ka hadlay Final-ka Champions League oo ay la balansan yihiin dhigooda Liverpool.

Kulankaan oo ka dhici doona 26-ka bishaan Magaalada Kiev ee dalka Ukraine, ayaa hadii ALLE laga helo waxaad kala socon doontaa natiijadda kasoo baxda iyo wax walboo aad uga baahan tahay Shabakada wararka cayaaraha ee Laacibsports.

Marcelo ayaa wuxuu muujiyay rajo wanaagsan oo ku saabsan kulankaan iyo in xagaagan ay ku guuleysan karaan koobka koowaad ee heerka kooxeed marka laga hadlo ugu xiisaha badan dhaman Koobabka kubada cagta.

Laakiin, wuxuu sheegay in Final-kaan looga baahan yahay ciyaartoyda Los Blancos afar arrimood, kuwaasoo uu cod dheer ku sheegay inay furo unoqon karaa inay Final-ka ku garaacaan kooxda horyaalka dhibka badan ee EPL-ka ka dhisan.

Wuxuu sheegay in midda koowaad ay tahay “Qumanaanta” oo uu rumeysan yahay in hadii ay ciyaartoyda iskula shaqeeyaan si calool fiyonaansho ay ku jirto ay natiijo wanaagsan kasoo hoyn karaan guud ahaan kulankaan.

Tan labaad wuxuu ku sheegay Marcelo inay tahay “Howl-karnimo”, isagoona shaaca ka qaaday in mudada ciyaartu socoto ay muhiim tahay inay si fiican ushaqeeyaan.

Mida saddexaad ayaa wuxuu ku qeexay “Wadajir-nimo” oo uu aaminsan yahay in hadii ay si isku ah uwada shaqeeyaan ay guul gaari karaan.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in mida afaraad ay tahay “Hami” oo uu sharaxay inay tahay waxa kaliya oo ay ku guuleysan karaan ciyaartaan, islamarkaana ay ku qaadi karaan markoodii saddexaad oo xiriir ah Champions League.