Marcos Asensio Oo Ka Jawaabay Xanta Real Madrid La Xiriirineysa Hazard Iyo Hadii Uu Helayo Dalabyo

Xidiga Real Madrid ee Marcos Asensio wuxuu sheegay inaanu waxba kala socon wararka kooxdiisa la xiriirinaya Eden Hazard.

“Waa kuwa laysla dhex-marayo…Waan arki doonaa sida ay wax noqdaan, laakiin haatann waa xan,” ayuu yiri.

Dhinaca kale, Asensio ayaa wax laga waydiiyay hadii uu helayo dalabyo uu kaga tegi karo boqorada dalka Spain.

“Maya,” ayaa ugu horeyn yiri, isaga oo raaciyay “Ma aysan ii imaanin aniga….Taasi waa wax ku saabsan wakiilkeyga.

“Aniga kama fekerayo taasi, wax kasta waxaan diiradda u saarayaa Real Madrid,” ayuu daba dhigay oraahdiisa.

“Guul aan ku gaaro Real Madrid, waa waxa kaliya ee aan doonayo aniga islamarkaana ii cad,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray Xidiga Real Madrid ee Marcos Asensio, kaasi oo wareysi siiyay Majaladda MARCA.